Kal-fadhigii 48-aad Ee Golaha Wasiirrada Oo Xeerar Lagu Ansixiyey

0

Hargeysa-21-11-2019-(AN)-Kalfadhigii 45-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta oo uu gudoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu  ansixiyey xeerar, iyada oo sidoo kale lagu meelmariyey wax-ka-beddel  lagu sameeyey qaar kamid ah xeerarkii hore u jirey.

Dood dheer iyo falanqeyn kaddib waxa ay golaha wasiirradu fadhigooda ku ansixiyeen:

1.     Qabyo-qoraalka ka hortagga xeerka la dagaallanka ganacsiga iyo tahriibinta dadka iyo

2.     Wax ka-beddelka iyo kaabista la dagaallanka xeerka mukhaadaraadka Xeer Lr. 21/2002 oo isagu hore u jirey, waxanay xeerarkani u gudbi doonaan golaha wakiilada Somaliland, iyagoo wax weyn ka tari doona Mushkiladaha iyo dhibaatooyinka ka yimaadda Tahriibinta dadka iyo la dagaallanka Mukhaadaraadka dalka soo gala.