Allah Naxariistiisa Janno haka waraabiyo waxa goor-dhawayd magaalada Hargeysa ku geeriyooday Taliyihii Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo muddooyinkii u dambeeyey xannuun u jiifay.
Eebbe haw naxariistee Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa caawa ku geeriyooday Cusbitaalka International Hospital ee magaalada Hargeysa oo xaaladdiisa Caafimaad lagu dabiibayey maalmihii u dambeeyey.
Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa dhawaan ka soo laabtay dalka dibaddiisa, gaar ahaan Waddanka Turkiga oo Xaalad Caafimaad loogu qaaday.
Marxuum Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyey xaaladdiisa caafimaad liidatay, isgoo Marxuumka sannadihii u dambeeyey uu soo ritay Xannuunka Macaanka iyo xannuuno ka haleelay uur-ku-jirta.
Eebbe Jannadii Fardowsa haka waraabiyee, Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa xilka ugu sarreeya ee Ciidanka Booliska Somaliland soo hayey ilaa Bishii April sannadkii 2012-kii wakhtigaas oo uu magacaabay madaxweynihii hore Axmed Maxamed Siilaanyo, kaddib markii uu geeriyooday taliyihii hore Jeneraal Saqadhi Dubbad oo dalka Imaaraadka Carabta oo xaalad caafimaad loogu qaaday ku geeriyooday.
Ka hor intii aan loo magacaabin Xilka Taliyaha Booliska Somaliland, Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan, waxa uu ahaa Hoggaanka Hawl-gelinta ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.
Hawl-wadeennada Shabakadda Wararka ee ARABSIYONEWS, waxa tacsi u dirayaan Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, Ciidanka Booliska iyo Guud ahaan Shacabka Somaliland geerida ku timi Allah haw naxariistee Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Cabdilaahi Fadal Iimaan oo mar-dhawayd geeriyooday.








