Dawladda Djibouti oo Nus Milyan Dollar ugu deeqday gurmadka Fatahada Soomaaliya

0

Djibouti(GNA)-Xukuumadda Dalka Jabuuti ayaa  guddiga gurmadka fataahadda wabiyada iyo roobabkii da’ay  ee Soomaaliya ku wareejisay lacag dhan 100 milyan oo faranka Jabuuti ah taas oo u dhiganta lacag dhan 600 kun oo doollar.

Waxaa kaloo ay sheegtay Jabuuti inay gargaar kale oo diyaaraddo lagu daabulayo gaarsiin doonto goobaha ay fataahadduhu ka dhaceen.

Warkan ayaa lagu faafiyey warbaahinta Soomaaliya, inkasta oo aan la magac dhabin cida lacagtaasi wareejisay.

Dawlada Jabuuti ayaa ka mid ah dawladaha ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.