Laas-geel: dareenka ka dhashay dardaaranka Wakiilka midowga Yurub

0

Wakiilka midowga yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez oo booqday buurta taariikhiga ah ee Laas-geel ayaa kula dardaarmay madaxda Somaliland in ay ilaaliyaan aasaarta ku duugan buurtan oo uu ku tilmaamay mid aadamaha ka dhaxaysa oo aanay cidna si gaar ah u sheegan karin.

Nicolas Berlanga Martine, ayaa intaasi ku daray in xafiiskiisu khubaro kala shaqaysa ilaalinta goobtan u soo dirayo Somaliland , horena ay uga shaqeeyeen khabiirro ka soo jeeda wadamada Faransiiska iyo Spain.

Booqashada buurtan waxa ku wehelinayey danjiraha EU-da sarkaal ka socday Wasaaradda Dalxiiska, kaasoo sheegay in ay ka wada hadleen wakiilka arrimo la xidhiidha sidii loo daryeeli lahaa aasaarta dalka, gaar ahaan buurta Laasgeel.

Danjiraha ayaa si dareen ka dhashay uga dardaarmay ilaalinta aasaarta ku duugan buurta ku taalla Somaliland, waxaanu yidhi “Laas-geel Waa Dhaxal Aadamuhu Wada Leeyahay”…”waayo markii la sameeyey aasaartan ma jirin xuduuddo dhuleed”ayuu raaciyey.

Buurta laasgeel ayaa kamida meelaha ugu dalxiiska fiican Somaliland ee ay ku duuggan tahay aasaarta qadiimiga ahi, waxaana bilihii la soo dhaafay booqasho ku tegay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo kormeer indho-indhayn ah ku soo maray.