Guddida Qandaraasyadda Qaranka Somaliland Oo Xaflad Ku Shaaciyey 77 Shirkaddood Oo Tartan U Geli Doona 6 Qandaraas Oo Kala Duwan

0

Hargaysa(AN)Guddida Qandaraasyadda Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa  Hargeysa si rasmiya ugu daahfurtay Tartan ay 77 Shirkaddood u geli doonaan 6 Qandaraas oo ay soo bandhigtay guddidaasi iyada oo 6 ka mida 77 shirkaddood ay tartanka marka uu dhamaado qiimayntiisa ku guulaysan doonaan 6da qandaraas ee kala duwan.

Guddida Qandaraasyadda qaranka Somaliland, ayaa shalay Magaaladda Hargeysa si rasmiya ugu munaasibad ay ku qabteen ugu dhawaaqay inay 6 Qandaraas oo ay Baahiyeen tartan u geli doonaan 77 shirkaddood oo dalka Somaliland ka shaqeeya, waxaana madasha shaacinta ka soo qaybgalay kuna dhawaaqay tartanka 6da qandaraas loo geli doono   Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyadda Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland Nuux Maxamed Xuseen, Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyadda Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland Jabarte Saadle iyo wakiiladda guud ahaan 77ka shirkaddood ee tartanka 6 qandaraas mid kasta doonayso inay ku guulaysato ka kala socday.

Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyadda Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland Jabarte Saadle oo ugu horayn madasha tartankan 6 qandaraas loo geli doono ee guddidoodu shaacisay ka hadlay waxa uu yidhi “Waxa uu tartanka loo gelayaa 6da qandaraas uu soo socday mudo 9 maalmood ah, waa mudada ay shaqadani soo socotay oo xarunta guddida qandaraasyadda qaranka Foomamka laga qaadanaayey oo dukumentiyadda la xidhiidha 6da mashruuc halka laga qaadanaayey oo nidaamkii caadiga ahaa ee tartanka qandaraasku u soconayey uu  maraayey oo 23/9/2019-ka ayey hawshani soo bilaabantay iyada oo 1/10/2019-ka uu xidhmaayey qaadashadda Foomamka 6 mashruuc loogu tartamaayo, maanta oo ay bishu tahay 2/10/2019-ka ayuu mashruucan 6 qandaraas ay 77 shirkaddood ugu tartamayaan uu daahfuray guddoomiyaha guddida qandaraasyadu iyada oo shirkaddihii 77 ahaa uu mid kasta dukumentigeeda halkan kaga hor akhriyey”

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyadda Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland Nuux Maxamed Xuseen oo isaguna madashaasi tartanka ay 77  shirkaddood ugu hirdami doonaan 6da qandaraas oo weedho dardaaran iyo balanqaad caddaalad intartankaasi u dhici doono ku saabsan ka hadlay waxa uu yidhi “Maanta waxaanu si rasmi ah u daahfuray tartan loo geli doono 6 Mashruuc, waxaana ka qaybgeli doona tartanka 6 mashruuc ilaa 77 Shirkaddood, hadii aad tihiin 77 ka shirkaddood ee tartankan ka qaybgeli doona waxaan idiin sheegayaa ma wada guulaysan kartaan, waxa tartanka ku soo bixi doona 6 Shirkaddood ama waabay ka yaraan kartaa, balse waxaan halkan idiinka balanqaadayaa in aanu idiin qaban doono tartan daahfuran oo ah tartan xalaala oo mid loo wada simanyahay oo caddaalada Inshaalaahu ayuu noqon doona tartanka 6 qandraas ay u geli doonaan 77 ka shirkaddood, waxaana xusid mudan 77 shirkaddood oo maalin qudha tartan ay qandaraasyo ugu tartami doonaan in loo qabtay, waxaanu halkan uga mahadnaqaynaa madaxweynaha qaranka Somaliland md Muuse Biixi Cabdi oo hirgeliyey oo dhidibada u aasay in loo  tartamo dhaqaalaha dalka ama khayraadka dalka Somaliland”