Muxuu Mareykanka saliidda ugu qarsaday godad ku yaalla dhulka hoostiisa?

0

ka dib markii lagu baraarugay weerarradii dhawaan lagu qaaday warshadaha saliidda soo saara ee waddanka Sacuudi Carabiya, Saraakiisha Mareykanka ayaa hadda ka hadlaya sida uu u anfici karo keydka saliidda ee ay ugu tala galeen inay si deg deg ah ugu baxsadaan marka ay Shidaal la’aan dhacdo.

Iyadoo uu qiimaha Shidaalka sare u kac sameeyay, Madaxweyne Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in waddankiisu uu saliiddan u keydsan isticmaali karo, si uu qiimaha suuqyada shidaalka uga dhigo mid xasiloon.

Saliidda uu madaxweyne Trump ka hadlayo waa mid uu xaddigeedu ka badan yahay 640 malyan oo foosto, waxayna ku keydsan tahay godadka dhulka hoostiisa ku yaalla ee gobollada Texas iyo Louisiana.

Fikradda ku saabsan in la keydiyo saliiddan tirada badan ee ee muhiimka u ah Mareykanka ayaa billaabatay sanadihii 1970-meeyadii.

Dhammaan warshadaha caalamiga ah ee Shidaalka dunida bixiya ayaa awooda inay suuqa ku hayaan shidaal la isticmaali karo 90 maalmood, laakiin keydka Mareykanka ayaa ah kan ugu weyn guud ahaan caalamka.

Maxay tahay sababta loo keydiyay?

Siyaasiyiinta Mareykanka ayaa markii ugu horreysay fikraddan keydinta saliidda ah la yimid horaantii 1970-meeyadii, ka dib markii cunaqabateyn dhinaca saliidda ah oo ay waddamada bariga dhexe sameeyeen ay sababtay in qiimaha shidaalka caalamku uu cirka isku shareero.

Dalalka xubnaha ka ah ururka dhoofinta Shidaalka ee Carabta oo ay ku jiraan Iiraan, Ciraaq, Kuweyt, Qadar iyo Sacuudi Carabiya ayaa xilligaas diiday inay shidaal u dhoofiyaan Mareykanka, maadaama uu Israa’iil ku garab istaagay dagaalkii u dhaxeeyay Carabta iyo Israa’iil.

Image captionCunaqabateynta shidaalka ayaa ka dhalatay dagaalkii Carabta iyo Israa’iil dhex maray sanadkii 1973-kii, also called the Yom Kippur War

Dagaalkaas ayaa socday muddo saddex isbuuc ah oo ka tirsan bishii Oktonber ee sanadkaas. Laakiin xayiraadda dhoofinta shidaalka – oo sidoo kale lagu bartilmaameedsanayay dalal kale – ayaa socotay ilaa bishii Maarso ee sanadkii 1974-kii.

Waxay arrintaas sababtay in qiimaha shidaalka ee adduunka oo dhan uu qaaliyoobo, wuxuuna halkii uu ka ahaa $3 doolar foostadii gaaray ku dhawaad $12 doolar.

Sawirrada laga qaaday gawaarida safafka dhaadheer ugu jirtay kaalimaha shidaalka ee dalalka ay cunaqabateynta shidaalka saameysay ayaa waji u ahaa xasaradda dhinaca saliidda ee ka jirtay caalamka.

Aqalka wakiillada Mareykanka ee Congress-ka ayaa sanadkii 1975-kii ansixiyay hindise sharciyeedka nidaamka tamarta iyo keydka. Waxay tallaabadaas sahashay in la abuuro keydka muhiimka ah ee uu Mareykanka ku baxsan karo haddii ay mar kale dhacdo dhibaato dhinaca saliidda ah oo sidaax u baaxad weyn.

Muxuu yahay Keydku?

Wakhti xaadirkan, waxaa jira 4 meelood oo uu ku keydsan yahay shidaalkan: labo u dhow magaalooyinka Freeport iyo Winnie ee gobolka Texas iyo labo kale oo ku kala yaalla duleedka magaalada Lake Charles iyo magaalada Baton Rouge ee gobilka Louisiana.

Mid walba oo goobahaas ka mid ah waxaa ku yaalla god gacanta lagu sameeyay oo hoos u qodan ilaa hal kiiloo mitir, halkaasoo saliidda lagu keydiyay.

Sidan ayaa ka kharash yar kana amaan badan in saliidda lagu keydiyo taangiyo dhulka dushiisa yaalla.

Cusbo lagu daadiyay godadka iyo iyo cadaadiska cufnaanta dhulka ayaa hor istaagaya in saliiddu ay daadato.

Godka ugu weyn ee ku yaalla agagaarka magaalada Freeport ayaa la sheegay inay ku jirto saliid dhan 254 foosto.

Bogga Internetka ee lagu qoro wararka ku saabsan keydkan ayaa 13-kii bishan Sitembar lagu sheegay in shidaalkaas uu hadda marayo 644.8 malyan oo foosto.