Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan wasiirka arrimaha gudaha, gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka Gobolka maroodi-jeex, maayarka caasimada Somaliland ee Hargeysa, Taliyeyaasha Ciidamada, Booliska, Dab-damiska, ilaalada madaxtooyada iyo Xubno ka mida golaha wasiirada ayaa kormeer ku soo maray khasaaraha uu geystay caawa roob laxaadleh oo ka da’ay galabta Magaalada Hageysa iyo Nawaaxigeeda, kaasoo geystay khasaare balaadhan oo naf iyo maalba leh.
Nuxurka Dhibaatada Roobku geystay.
dhimashadu ilaa hadda waa 3qof
dhaawacuna waa 18 qof
halka khasaaraha aan weli la Tiro koobin balse uu balaadhan yahay siday sheegeen masuuliyiinta u xilsaarani










