Dacwadda Al Bashiir: Madaxweynihii hore ee Suudaan oo malaayin doolar ka helay Sucuudiga

0

Madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Al Bashiir ayaa qirtay inuu lacago malaayin ah ay usoo dirtay dowladda Sucuudiga, sida mid kamid ah baarayaasha uu maanta maxkamadda ka sheegay xilli ay socotay dhageysiga dacwadda loo heysto Al Bashiir.

“Ninkan lasoo eedeeyay waxaa uu inoo sheegay in 25 milyan doolar uu usoo diray dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan si uu lacgataas ugu adeegsado arrimo ka baxsan miisaaniyadda dowladda” ayuu yiri Axmed Cali oo ka tirsan baarayaasha oo wareysi siinayay wakalaadda wararka ee AFP.

Sida laga soo xigtay Al bashiir, Axmed Cali waxaa uu sheegay in horraan ay jireen lacago kale oo gaarayo 35 milyan oo doolar iyo 30 milyan oo doolar looga soo diray dhinaca Sucuudiga.

Madaxweynihii hore ee Suudaan ayaa loo heysta dacwado musuq maasuq iyo inuu si sharci darro ah u heystay lacago qalaad