Shaqaalaha Facebook ma waxay dhageystaan codadka farriimaha ah?

0

dadka adeegsada Facebook-ga.

Facebook ayaa noqoneysa shirkaddii ugu dambeysay ee xaqiijisa in shirkado saddexaad ay adeegsatay, si ay shaqadaas u qabtaan.

Tallaabadan lagu dhageysanayo codadka dadka macaamiisha waxaa horay u shaaciyay in ay sameeyeen shirkado ay ka mid yihiin Google, Apple, Microsoft iyo Amazon.

Warbaahinta Bloomberg oo markii hore shaaca ka qaaday arrintan ayaa ku soo warrantay in shirkadda Facebook ay sidoo kale sheegtay in tallaabadaas la joojiyay asbuuc kahor.

Bloomberg waxay sheegtay in in loo dhiibay codad wada shekeysi ah, balse shaaca kama aysan qaadin qaabka ay ku heleen codadka farriimaha.

shirkadda Facebook oo ka hadashay arrintan waxay sheegtay in sababta loo sameeyay ay tahay, sidii loo sii hagaajin lahaa hannaanka caaqilka macmalka ah, waxayna intaa ku dartay in arrintan ay ku dhaqaqaan marka dadka adeegsada Facebook ay doorbidaan adeeg qoraal u badala wadasheekeysiga.

“Sida ay horay u sameyeen Apple iyo Google, waxaan hakinay dib u eegista codadka asbuuc kahor,” ayuu yiri afhayeen u hadlay shirkadda.

.
Image captionFacebook

Koox Midowga Yurub u qaabilsan ilaalinta xogta shakhsiga ah ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan arrintan.

“Waxaan maclumaad dheeraad ah ka raadineynaa Facebook, kuwaas oo la xiriira sida tallaabooyinkaas ay u wafaaqsan yihiin shuruucda ilaalinta xogta,” ayuu yiri afhayeenka hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan ilaalinta xogta gaarka ah oo la hadlay BBC-da.

Horaantii bishan, shirkadaha Apple iyo Google ayaa sheegay inay horey u hakiyeen qaabkii ay shaqalahooda u dhageysan jireen codadka, si ay qoraal ahaan ugu turjumaan.

Sidoo kale shirkadda Tiknolojiyadda ee Microsoft ayaa ayaduna xaqiijisay in shaqaalaheeda ay dhageystaan dadka adeegsada wicitaanka maqalka iyo muuqaalka ee Skype, si ay u turjumaan codadka.

Koox xakameysa xogta shakhsiga oo fadhigoodu yahay wadanka Luxembourg ayaa dhacdo kuwaas la mid ah kala hadlaya shirkadda Amazon, taas oo shaqaalaheeda ay dhagesytaan codadka.