Gabiley(AN) Ururka Qareenada Somaliland Ee Solla oo Sharcidaro ku Tilmaamay Xadhiga 6 Xildhibaan ka Tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Mudo Xidhan
Txr: SOLLA/09/RLFL/#38/2019 29/7/ 2019
Ujeedo. War saxaafadeed Cambarayn Xadhiga Xildhibanada
Waxay cambaaraynayan Xadhiga qayra sharciga ah e lagu xidhay lixda xildhiban e degmada Gabiley xadhigan xildhibaanadu waa xadhig qayra sharci ah oo ku xad-gudub ku ah dastuurka qaranka JSL. Xadhigan xildhibaanadu waa xadhig aan loo marin nidaam xeered iyo mid caddaladeedtoona waxaana jira gaf sharci oo xad-gudubku ku ah dasturka iyo xeerarka kale e Somaliland ba waxaana la khalday nidaamkii xadhiga e dastuurka qaranku tilmaamay waana sidan hoos ku qoran khaladaadka sharci e ay xukumada gashay e xad-gudubka ku ah dasturka qarankan lagu dhisay
1) Xadhiga xildhibaanada looma marin nidaamkii sharcigu tilaamayey waxaanu xadhigoodu xad-gudub ku yahay Qod.24 xubintiisa 3 aad oo xildhibanada golaha degaanka siinaysa xasaanad sharci ah waxaanu xubinta qodobkani mabnuucaysa in la xidho xildhibaanada golaha degaanka haddii aan ogolaansho laga haysan golaha ay ka tirsanyihiin, waxaana la xidhay iyada oo aan wax ogolaansho ah laga haysan golaha degaanka Gabiley waana xad-gudub dastuuri ah , waxa kale oo sharci ahaan xildhibaanka la xidhi kara marka lagu qabto isaga oo fal danbi ah oo ka badan saddex sanno faraha kula jira taasina may dhicin oo ma jirto waxaana loo qabtay hab ka baxsan nidaamka sharciga ah kana soo hor jeeda mabaadii’da dastuuriga ah e dalka.
2) Xadhiga xildhibaanada wax ogolaansho sharci ah looma haysan ogolaanshahaasi oo ah in marka hore la eedeeyo loona gudbiyo Xafiiska xeer-ilaalinta Gobolka Gabiley ka dibna haddii xeer-ilaaliyuhu ku qanco ay xafiiska xeer-ilaalintu ka dalbada golaha degaanka gabiley in xildhibaanadan Xasaanada laga qaado sidaana uu golaha fadhi kaga dalbado oo ka dib fadhiga golaha haddii laga ogolaado oo ay goluhu Xasaanada kaga qaadan fadhi aan caadi ahayn waxa uu xeer –ilaaliyuhu ka dalbanaya waaran sharci ah si wafaqsan Qod.40 XHC
3) Maxkamada Gobolka Gabiley waxaana lagu qabanlahaa waarankaasi Maxkamadii haddii ay ka ogolaato dalabka Xafiiska xeer-ilaalinta marka nidaamkan la dhamaystiro ayaa la xidhi kara xildhibanada golaha degaanka kaliya Xadhig kasta oo xildhibaan loo gaysto oo aan loo marin nidaamkan sare ku xusani waa xaaran waana qayra dastuuri waxaanay xukumadu ku xad-gudubtay oo jabisay Qodobka dastuurka e .25 xubintiisa kowaad oo mabnuucaysa in aan qofna xoriyada laga qaadi karin lana xidhi karin ilaa loo maro hab-sharciga waafaqsan waxaanu qodobkan xubintiisa kowaad u dhigantahay sidan” Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn” . xadhigan xildhibaanadana looma marin nidaamkii sharcigu tilmaamay e ku xusan Qod.24 xubintiisa 2aad e xerN0 23/2002 waana gaf sharci iyo ku xad-gudub dastuur , sidoo kale isla Qodobkan 25 e dasturka qaranka JSL xubintiisa 2 labaad wuxu Mabnuucaya in qof la xidho iyada oo aan loo haysan waaran sharci ah oo ka soo baxay garsoore awood sharci u leh waxaanay xubinta qodobkani u qorantahay sidan “ Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.” Xadhiga xildhibaanadan looma marin nidaamka uu tilmaamayo Qodobkan dastuuriga ahi waxaana lagu xidhay bilaa waaran sharci oo ma jiro waaran sharci oo u fasaxaya booliska inay qabtan xildhibaanada awood sharci oo ay ku qabtaana may jirin qabashada bilaa waranka ah iyo bilaa ogolaansho golaha degaanka ahi ee ay ku qabteen boolisku xildhibanadana waxay xad-gudub ku tahay qodobkan 25 e dasturka qaranka JSL
4) Xildhibaanada waxa loo diiday markii la xidhay inay la kulmaan qareenadooda iyo ehelkoodaba diidmadaasi waxa diiday oo qareenadii iyo ehelkiiba u diiday inay arkan Taliyaha laanta danbi baadhista booliska oo aan habayaraatee ogolayn in la arko una diiday qareen iyo ehelba diidmadaasina waa mid qayra dastuuri ah waxaana ka dhalanaya danbi ciqaab ah xukumada Somaliland baana dastuurku ku waajibiyey inay talaabo ka qaado cid kasta oo diida xaq dastuuri ah oo qodob dastuur ahi jideeyey waxaana dastuurku siinaya qof kasta oo la xidho ama xoriyada laga qaado wuxu xaq u leeyahay inuu si deg deg ah ula kulmo qareenkiisa iyo ehelkiisaba waxaana suurta galinaya oo deg deg ula kulansiinaya booliska soo xidhay muwaadinka xoriyada la qaaday waana waajib dastuuri ah sida ku cad Qod. 27 e dasturka qaranka JSL xubintiisa kowaad oo u dhigan sidan “ Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay in uu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddi kale ee uu codsado” waana gaf dastuuri ah oo ay booliska iyo xukumaduba ku xad-guduben oo qodobkan dastuurka waxa ka xoog badan oo sharci ah amarada khaldan e ay bixinayan masuuliyiinta xukumada iyo taliyeyaasha boolisku sharciguna waa mid ku qoran uun buugaagta oo aan masuuliyiinta xukumada qaban, sababtoo ah sida uu tilmaamayo Qod. 27 xubintiisa 9 aad oo u dhigan sidan “ Ciqaabta lagu mutaysan karo jebinta faqradaha
Arabsiyonews Office Gabiley









