Madaxwaynaha Puntland Oo Xil U Magacabay Siyaasi Ka Goostay Somaliland

0

Garoowe (Arabsiyonews) Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni

ayaa gudoomiyaha gobolka Sanaag u magacaabay Cali Xuseen Soomaali. Cali ayaa  hore u ahaa guddoomiyaha gobolka Badhan ee Somaliland laakiin, wuxuu qayb ka ahaa siyaasiyiin iyo ciidamo Somaliland dhawaan ka goostay oo u galay maamulka Puntland.

Wareegto uu soo saaray Siciid Deni ayaa u dhignayd sidan:-

. 1. Waxaa Cali Xuseen Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

  1.  Waxaa Jaamac Cabdulaahi Cali loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Sanaag.

 

  1. Waxaa Maxamuud Cumar Liibaan loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Sanaag.

  1.  Waxaa Siciid Xuseen Maxamuud Loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Haylaan.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.