Nairobi(AN):- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa maanta la afuray Muslimiin badan oo isugu yimid Masaajidka ugu weyn dalkaas oo ku yaalla caasimadda Nairobi.
Muslimiinta oo soomanaa isbuucyadii la soo dhaafay, ayaa Madaxweynaha dalka Uhuro Kenyatta, ku-xigeenkiisa William Ruto iyo Badhasaabka magaalada Nairobi afur la wadaagay.
Maamulka masaajidka iyo xubno ka soo jeeda dowladda ayaa Madaxweynaha ku qaabilay masaajidka oo lagu magacaabo Jamiic.Madaxweynaha ayaa sanadihii la soo dhaafay Muslimiinta ku casuumi jiray xarunta madaxtooyada dalka.
Tallaabadan, ayaa soo jiidatay Muslimiin badan oo ku nool dalka Kenya, maaddaama oo ay tahay markii ugu horreysay ee uu Madaxweynaha Kenya Shacabka Muslimiinta ah Masaajidka kula afuro.
Ammaanka Masaajidka iyo nawaaxigiisa, ayaa aad loo adkaayey intii ay madaxdu ku sugnayd, iyada oo la sheegay in jidad badan oo Masaajidka soo gala iyo kuwo ku hareeraysan-ba la xidhay intii uu kulanka afurku socday.
Madaxweynaha waddanka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa hore Muslimiinta Afur ugu sameyn jiray, kaas oo uu ku qaban jiray maalin ka mid ah bisha barakaysan ee Ramadaan xarunta madaxtooyada Kenya ee Nairobi, balse waa markii ugu horreysay ee uu Masaajid afur kula qaato Muslimiinta.









