Siddeebaa Olollaha Tallaalka Cudurka Dabeysha looga fuliyey Somaliland ?

0

Gabiley(AN)-Maalin Isniin ah oo ku beegnayd 25-kii Bisha March, ayaa wareeggii 1-aad ee sanadka 2019 ee Ololaha Tallaalka Cudurka Dabeysha ee Carruurta Da’doodu u dhaxayso Shan sanno iyo wixii ka hooseeyaa uu ka bilaabmay guud ahaan Dalka Somaliland, kaasoo Kooxaha Tallaalka fulinaya iyo kuwa Wacyi-gelinta qaabilsani ay muddo saddex maalmooda dhex gaaf-wareegayeen gudaha Magaallooyinka iyo deegaamada ka baxsan, iyagoo Bulshada ku dhiiri-gelinayey inay Ubadka siiyaan Tallaalka ka hortaga Xannuunka Dabeysha.

Tallaalkan oo ka kooban laba Dhibcood oo Afka laga siinayey Carruurta, ayaa lollihiisu uu socday ilaa 28-kii Bisha March, waxaana si weyn uga qayb-qaadanayey Gaadiidka Wac-gelinta oo gudbinayey farriimo Dadweynaha lagu gaadhsiinayo muhiimada Tallaalkan uu leeyahay, taasoo xoojisay hab-sami u fulinta Olollahan oo ay Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland hogaaminaysay.

“Kooxaha Tallaalku way noo yimaadeen, gurigay noogu yimaadeen, si fiican ayaanay noogu talaalleen Carruurta, waanan ku faraxsanahay, Waalidiinta kalena waxaan ku waanin lahaa inay Carruurta talaallaan” sidaasi waxa Warbaahinta u sheegtay Khadra Ciidle oo kamida Hooyooyinka ku dhaqan Magaalada Gabiley ee Ubadkooda Talaallay maalintii uu bilaabmay Ololluhu, waxaanay intaasi ku dartay inay dareensantahay halista cudurka Dabeysha.
Olollahan oo laga fuliyey dalka, ayaa la soo gabagabeeyey 28-kii Bisha.

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office