Alshabaab Oo Sheegatay Dilka Maareyihii Shirkada Dp World Ee Dekada Boosaso

0

Paul Anthony Farmosa oo u dhashay dalka Malta ayaa waxaa uu dhashay sanandkii 1966, waxaa uu na wax kusoo bartay dalka Malta oo uu u dhashay. Waxaa uu bartiisa LinkedIn uu ku qoray in uu bartay maareynta dekedaha.

Sannadihii 2013-ka ilaa iyo 2016 waxaa uu kasoo shaqeeyay dekedaha dalka Sudan, halkaasi oo uu ka ahaa maareye ku xigeen, waxaana sidoo kale uu kasoo shaqeeyay dalal ay kamid yihiin Moroco, Imaraadka Carbata.

Paul ayaa sidoo kale ahaa tababare arrimaha dekedaha iyo maamule aqoon durugsan u lahaa howlaha dekedaha.

Intii u dhaxeesay bilihii Janaayo ilaa iyo Luuliyo ee sannadkii 2017-ka waxaa uu sheegay in uu kasoo shaqeeyay dalka Guinea, wixii intaa ka dambeeyay na waxaa uu bishii Agoost ee sannadkii 2017-ka uu ka shaqo bilaabay magaalada Bosaaso ee Soomaaliya, halkaasi oo uu uga shaqeynayay shirkadda maamusho dekedda Bosaaso ee DP World, kana ahaa maareyaha dekedda.

Guuleyd Saalax oo ah guddoomiyaha machadka daraasaadka ee SIDRA ayaa BBC-da u sheegay in habacsanaan dhanka ammaanka ay jirto.

“Runtii waa arrin u baahan baaris iyo isla xisaabtan, waxaana qiyaasayaa in habacsanaan dhanka ammaanka ay jirto, inkastoo la yiri ninkani wuxuu isku soo qariyay kalluumeysatada”. Ayuu yiri.

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office