QM Oo loo Gudbiyey Qaraar Jidka U Xaadhaya Madaxbanaanida Somaliland

0

W/Hore ee Soomaalida u qaabilsanaa X/Guud ee Q/Midoobay oo ku taliyayin la soo saaro Qaraar jidka u xaadhaya madax Banaanida Somaliland Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaalida Micheal
Keating ayaa sheegay in loo baahan yahay in la soo saaro qaraaro wax lagaga qabanayo khilaafka u dhaxeeya Somalia iyo Somaliland, isla
markaana jidka u xaadhaya in la soo nooleeyo wada hadaladii udhaxeeyey labada dhinac.
Wakiilku wuxuu sidaa ka sheegay 13-kii bishani aynu mar uu warbixin siinayay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wakiilku isaga oo ka hadlaya arrintaasi wuxuu yidhi “Waxa loo baahanyahay in la soo celiyo wada hadaladii u dhaxeeyey Mogadisho iyoHargeysa, isla markaana si looga midho dhaliyo waa in la soo saaro
qaraaro (Containment or swifter resolution…….. can benefit their historic links – qaraaro aan cidna ka tegayn oo ku aadan labada dhinac
containment amaba go’aan lagaga gaadhayo khilaafkooda swifter, iyada oo laga faa’iidaysanayo sidii ay berigii hore taariikhiyan ahaayeen ka hor intii aanay midoobin” ayuu yidhi Keating.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka 

Arabsiyonews.com

Arabsiyonews@gmail.com

Hargeisa Office