Si rasmi ah looma sheegin waxyaabaha ay salka ku hayso booqashada Farmaajo uu ku tegey dalka Eritrea oo ka yara dheer booqashooyinka ay madaxdu ku tagaan dalalka ay deriska yihiin.
Waa markii ugu horraysay ee uu madaxweyne Soomaaliyeed tago Eritrea.
Isaias Afwerki oo tan iyo 1994 dalkaas xukumayey, isaga qudhiisa wuxuu muujinayaa inuu yahay hogaamiye madaxda gobolka martigelin kara oo masiirka gobolka wax ka arrimin kara.
Faysal Rooble wuxuu ka faalloodaa arrimaha geeska Afrika, wuxuuna qabaa 2 qodob in ay booqashadan salka ku hayso.
-In Afwerki uu doonayo inuu Farmaajo kala hadlo sidii loo xallin lahaa khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Iimaaraadka.
-In uu ka dhaadhiciyo in aysan waxba ka jirin in Eritrea ay hubayn jirtay Al Shabaab, oo uu u tuso inay ahayd dacaayad ay ka fidiyeen Meles Zenawi iyo Maraykanka.









