Waxaa si wayn loo cambaareeyay haweeney u dhalatay dalka Mareykanka oo isku soo sawirtay xayawaanka Geriga oo dhintay.
Haweeneydan oo u gaarsata ah ayaa sawirka soo gelisay baraha bulshada xilli ay ku sugnayd dalka Koonfur Afrika.
SawirkaTess Thompson Talley ayaa kumanaan jeer lagu sii faafiyay baraha bulshada.
Waxay tiri “ Geriga aan u gaarsaday wuxuu kamid ahaa midka ku nool dalka Koonfur Afrika, tirada xayawaanka ayaa sii badanaya, ugaarsatada ayaa dadaal dheeri ah ku bixiyaa shaqada ugaarsiga”
USA Today ayaa soo xigtay qoraal ay soo gelisay Facebook oo markii dambe ay tirtay oo ahaa “ waxaa ii rumowday riyadeedii ahayd in aan mar wax u gaarsado, waxaan arkay xayawaanka Geriga ee naadirka ah”
Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa su’aal geliyay sababta loo dilaya xayawaan adiigo ku jeesjeesaya.









