Burundi oo ka cadhootay dameero uu Faransiisku ugu deeqay

0

Wasiirka beeraha ee Burundi ayaa amray in la karantiilo toban dameer oo laga gaday deeq uu bixiyay Faransiiska. Dareemarahan ayaa laga soo dhoofiyay Tanzania waxayna qayb ka ahaayeen qorshe la doonayay in carruurta iyo dumarka lagaga caawiyo dalaga beeraha ee ay qaadaan marka ay suuqgaynayaan, biyaha iyo xaabadana ay ku qaataan. Masuuliyiin reer Burundi ah ayaa sheegay in Faransiisku uu meel uga dhacay qaranka marka uu ku deeqay dameerahan oo magacooda Faransiiska marka la turjumo u dhigma doqonnimo. Dadka arrimahan la socda ayaa sheegaya in inarrintan ay jawaab u tahay dhaliishii uu Faransiisku dhawaan soo jeediyay ee ku aadanayd aftidii dhawaan u ogolaatay in madaxweyne Nkurunziza uu xilka sii hayo. Lakiin wasiirka beeruha Déo Guide Rurema ayaa sheegay in aan la marin habkii saxda ahaa.