Ciidanka Booliska Somaliland Oo Xabsiga U taxaabay Shan Qof Oo Lagu Eedeyey Inay Samaynayeen Pasporka Somaliya

0

Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa lagu soo waramayaa

in Magaalada Hargaysa ay ku xidheen rag ku hawlanaa sameynta Baasaboorka Somaliga.

Image result for ciidamada booliska somaliland

Hawlgal ciidamada Booliska Somaliland ay ka sameeyeen Degmada Ibraahin Koodbuur ee Magaalada Hargaysa ayaa lagu soo xidhay rag gaadhaya Shan nin oo ciidamada Booliska ay soo qabteen.

 

Raggaan ciidamada Booliska ay soo qabteen ayaa lagu xidhay Saldhiga Ibraahin Koodbuur halkaasi oo ay hadda ku xidhan yihiin.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland ayaa sheegay Shanta ruux ee la soo qabtay hawlgalkii lagu soo qabtay intii uu socday hal askari inuu ku dhaawacmay.

Somaliland ayaa Magaalada Hargaysa horay uga mamnuucday in lagu sameeyo Baasaboorka Somaliga ah.

Dadkaan ciidamada ay soo qabteen ayaa la sheegay xilli hore sidan oo kale in loo soo qabtay, balse Booliska ay sii daayeen, kadib markii looga digay sameynta Baasaboorka Somaliga, balse taasi ay ka dhaga adeegeen oo maanta mar kale la soo qabtay.