Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qaabilay Wefti Sare Oo Ka Socda Dalka Czech Republic

0

Madaxwnaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda dalka Czech republic oo uu hoggaaminayo wasiir ku-xigeenka waddankaas u qaabilsan wershadaha iyo ganacsiga Mr. Vladimir Bartl.

Kulanka madaxweynuhu la qaatay weftiga ballaadhan ee ka socda waddanka Czech republic, ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire, safiirka Somaliland u qaabilsan ururka midowga Afrika, Ambasador Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo xubno kale.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo la xidhiidha guulaha ay Somaliland ku tallaabsatay iyo sida ay Somaliland mar walba diyaar ugu tahay inay dalalka caalamka xidhiidh la yeeshaan.

Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu weftiga warbixin ka siiyey heerarkii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay, guulaha ay ku tallaabsatay iyo heerka ay ka gaadhay Dimuqraaddiyadda iyo doorashooyinka, isaga oo uga mahadceliyey booqashadooda ay ku yimaaddeen Somaliland.