Deg Deg:- Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Mar Kale Dhirbaaxo Milatari Ku Wiiqay Weerar Gaadmo ah Oo Ciidamada Puntland Kaga Imid

0

Hargeysa(ArabsiyoNews)15-May.2018- Ciidamada maamulka Puntland ayaa saaka subaxii hore waxay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen ciidamada dawlada Somaliland gaar ahaana ciidamada ku sugan jiida hore ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool,waxaana ciidamadaasi markii ay weerarkaasi gaadmada ah soo qaadeen markiiba ka jawaab celiyey iskana difaacay ciidamada Qaranka Somaliland.

Waxaana ciidamada Qaranka Somaliland ay awood ku maquuriyeen ciidamadii weerarka gaadmada ah kusoo qaadey,iyaga oo wararka soo  gaadhay shabakada Arabsiyo News ay sheegayaan in ciidamada Qaranku ay baacsadeen ciidamadii weerarka kusoo qaaday,waxaana xoguhu sheegayan in dagaalkaasi uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh,iyada oo aan wali cadayn lana xaqiijin baaxadda uu leeg yahay khasaaruhu.

Ciidamada difaacayaasha Qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore ayaa hadh iyo habeen waxay heegan buuxa ugu jiraan sidii ay u difaaci lahaayeen xuduudaha dalka Somaliland,waxaana ciidamadaasi ay ciidamadii soo weeraray xogaha qaarkood ay sheegayaan inay kala wareegeen laba gaadhi oo kuwa dagaalka ah.

Maaha markii ugu horeysay ee ciidamo ka socda maamulka Puntland oo abaabulan isla markaana kaalmo hoose ka helaya Somaliya ay weerar gaadmo ah kusoo qaadaan ciidamada xooga dalka Somaliland,taas badalkeedana ay ciidamada qalabka sida ee Somaliland ee ku sugan jiida horena ay dhirbaaxo kulul ku dhuftaan ciidamadaasi weerarada gaadmada ah kusoo qaaday.

Waxii warara ee soo kordha kala soco shabakada ArabsiyoNews.com