Aroos uu qarax ka dhacay, warqad iyo qof aan la filayn oo laga shakiyay

0

Kaddib baaritaan ballaaran, booliska Hindiya ayaa macallim wax ka dhiga koleej dalkaasi ku yaalla waxa ay uu soo xireen “qarax ka dhacay guri ay lamaane isku arooseen” oo uu ku dhintay nin markaas un guursaday xaaskiisiina ay ku dhaawacantay. Soutik Biswas ayaa ka soo warramaya sida uu isbadelka aanan la filayn ugu yimid baaritaanka lagu hayay dilkii ay ka amakaageen dadka Hindiya.

Warqadda oo ku jirtay bashqad la soo tiimbareeyay ayaa waxa ay bilowgii Abriil soo gaartay guriga xilli barqo kulul ah.

Qofka soo diray ayaa dusha kaga qoray “Warqad muhiim ah” oo ku socota taliyaha booliska ee Balangir, halkaas oo ah degmo ku taal baadiyaha gobolka Orissa.

Waxa ay aheyd warqad aanan la garanayn cidda soo dirtay si adagna loo soo qoray, kana koobneyd 130 eray oo Ingiriisi ah. Waxa ayna warqadda ka hadlaysay hadiyad bambaano ah oo dishay caruus magaalada ku aqalgalay.

Soumya Sekhar Sahu, oo ahaa 26 injineer dhanka barnaamijyada kumbuyuutarrada ah ayaa dhintay, xaaskiisa Reema oo 22 jir aheyd-na waxaa soo gaaray dhaawac culus, kaddib markii u furay kartoon ku socday, shan maalmood kaddib markii uu guursaday bishii Febaraayo.

Sidoo kale Sahu ayeeyadii oo 85-jir aheyd ayaa iyana qaraxaasi ku dhimatay.

WarqaddiiLahaanshaha sawirkaORISSA POLICE
Image captionWarqaddan aan la garanayn cidda soo dirtay ayaa laga helay xog la dabageli karo

Booliska ayaa sheegay in kartoonka qof isku magacaabay SK Sharma uu ka soo diray deegaanka Raipur ee gobolka dariska ah ee Chhattisgrah, halkaas oo 230km u jirta goobta uu qaraxa ka dhacay. Magaca iyo adareeska laga helay warqadda ayaa been abuur ahaa sida uu boolisku sheegay.

Warqadda ay sheegeen in loo soo diray taliyaha booliska Balangir ayaa waxa ay ku bilaabanaysay diidma ah in “fariin qaade gaar ah” uu qoraaga u soo dhiibay warqadda si u u gaarsiiyo halka loo rabay. Si degdeg ah ayeyna halkii ku gaartay.

Waxaa warqadda lagu sheegay in kartoonka uu bamka ku jiray uu soo diray qof isku magacaabay SK Sinha, ee ma aheyn RK Sharma. Waxay kaloo warqaddu tiri saddex nin ayaa “ka qeyb qaatay mashruuca” weliba “haatan waa ay fogaadeen oo ma joogaan meel boolisku uu ka soo qaban karo”. Sababta qaraxa ayuu ku sheegay qofka warqadda soo qoray inay aheyd “khiyaamo” uu ku kacay caruuska iyo lacag. Sababta koobaad ayaa u muuqatay jaceyl uu madmadow soo dhexgalay, halka midda labaadna ay u muuqatay muran hanti.

“Xitaa dilka qoyska oo dhan inooma noqonayo magdhaw aan kaga kaaftoonno khasaaraha ina soo gaaray,” soo diraha ayaa qoray.

Dhammaadka warqadda ayaa lagu qoray cod xooggan, oo qoraaga ayaa yiri boolisku waa inuu “iska aamusnaadaa” oo “uusan waxyeelayn dadka aan waxba galabsan, ka shakiyin amaba uusan su’aalo aan loo baahnayn waydiin.”

Yaa soo diray hadiyadda bambka aheyd ee uu ku dhintay caruuska?

Muddo ka badan bil ayaa dhowr iyo labaatan baarayaal waxa ay su’aalo waydiiyeen in ka badan 100 qof oo ku kala sugnaa afar magaalo oo lala xiriiriyay dilka – kuwaas oo saaxiibo iyo qaraabo la ahaa lamaanaha uu weerrarku qabsaday. Waxa ay dib u eegeen kumannaan cod oo ah wicitaannada mobile-ka, sidoo kale waxa ay baareen laabtoobyada iyo taleefannadii ay lahaayeen lamaanaha.

Dambi baarayaasha ayaa eegay codka qof u goodinayay ninka dhintay kaas oo la duubay sanadkii la soo dhaafay kaddib markii uu inanta doonay, waxa ayna ogaadeen in uu ahaa wiil dhalinyaro ah oo yaqaanay inanta uu guursan rabay ninka, taas oo uu ku eedeeyay “inay khiyaantay oo ay ka raacday nin qani ah”. Iyagoo middaas ka duulaya ayey ninkii soo qabteen kaddibna su’aalo waydiiyeen. Markii dambase waa ay sii daayeen markii ay ogaadeen inuu yarka boolaxooftayn un uu waday.

Baarayaasha ayaa sidoo kale waxa ay qoreen liiska magacyada dad ka badan toban kuwaas laga shakisan yahay, hasayeeshee ma aysan helin wax dadkaasi lagu dabageli karo. Kiiska waa uu sii daciifayay, hasayeeshee maadaama dadweynaha iyo warbaahintuba ay cadaadis wadeen ayaa dowladda waxa ay kiiska ku wareejisay waaxda baarta dambiyada waa weyn.