Deg Deg Saraakiil Lagu Dilay Qarax Goor Dhawayd Ka Dhacay Gaalkacyo

0

Taliyaha ciidammada isku dhafka ee gobolka Mudug ayaa ku dhintay qarax koldhow ka dhacay magaalada Gaalkacyo, Gaashaanle Sare Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud (Xoreeye.

Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhintay sarkaal kale oo ka tirsanaa ciidammadaasi militariga ah, Cabdiqani Axmed Geyre.

Inta la xaqiijiyay illaa seddax askeri oo kale ayaa qaraxaasi lagu dilay. Sidoo kale dad rayid ah ayaa loo maleynayaa in qaraxaasi ay ku dhinteen.

Sida uu xaqiijiyay wasiirka amniga gudaha ee Puntland Axmad Cabdullaahi Yusuf, seddax qof oo mid ka mid ah ay dumar tahay ayaa ku dhaawacmay qaraxa.

“Wuxuu ahaa nin xiran waxyaabo qarxa. Wuxuu u yimi ciidanka oo maqaayad shaah ka cabaya, hawl maalmeedkoodana ku jira. Halkaas buu isku qarxiyay”.

“Waxaa dhibkan geystay dadkii nabad diidka ahaa” ayuu yiri wasiirka amniga Puntland.

Wararka waxay sheegayaa in qof waxyaabo qarxa isku xiray in uu ka dambeeyay. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxa.

Ciidammada isku dhafka ah waa askar laga kala keenay maamullada Puntland iyo Galmudug oo si wada jir ah uga howlgala magaalada Gaalkacyo.

Waxaa loo aasaasay xallinta Gaalkacyo sida uu sheegay wasiirka amniga Puntland. Wuxuu tilmaamay in dembiyada ay yaraadeen tan iyo markii la aasaasay askartan.