Berbera: Sarkaal Ciidanka Ilaalada Xeebaha ka tirsanaa oo ku dhintay Shil gaadhi

0

Xamaas(AN)-Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa xaqiiyey inuu Sarkaal ka tirsan Ciidankaasi uu ku dhintay Shil gaadhi oo ka dhacay Deegaanka Xamaas oo koonfur galbeed kaga beegan Magaalada Berbera.

Shilkan ayaa ka dhashay, kaddib markii ay isku dhaceen Gaadhi Landcruiser ah oo Ciidanku leeyahay iyo Gaadhi Rakaab oo ay leedahay Shirkadda Bari iyo Galbeed.

Waxa la xaqiijiyey inuu Shilkaa ku dhintay Wadihii gaadhiga Ciidanka oo ahaa Gaashaanle dhexe Cabdiwali, halka Nin kale oo aan la xaqiijin inuu Askari ahaa iyo in kale uu dhaawac halis ah qabo.

Ma jiro war faahfaahsan oo wali laga helay baaxada Khasaaraha ka dhashay iyo sababta keentay isku dhaca labada baabuur.

Warku wuxuu intaa ku darayaa inay goobta Shilku ka dhacay markiiba soo gaadheen Ciidanka nabad-gelyada waddooyinka oo baadhaya Shilkaas.

Taliska Ciidnaka Nabad-gelyada waddooyinka ee Gobolka Saaxil oo aanu la xidhiidhnay wali noomay suurto-gelin inaanu helno.