Hoggaamiyihii hore ee Catalonia, Carles Puigdemont, ayaa lagu xiray dalka Jarmalka, sida uu qareenkiisa sheegay.
Waxaa la qabtay xilli uu ka yimid Denmark, kuna sii jeeday Belgium, Jaume Alonso-Cuevillas ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray. Ninkan ayaa laga doonayaa Spain isagoo lagu eedeynayo taageerada goonni-u-goosashada Catalonia.
Puigdemont ayaa magan-galyo ugu noolaa Belgium tan iyo aftidii la mamnuucay ee Oktoobartii hore, taas oo lagu taageerayay goonni-u-goosadka Catalonia.
Amar ka soo baxay Yurub oo isaga lagu soo xiray ayaa dhowaan la soo saaray.
Xiisadda ka taagan Catalonia ayaa aad u kacsan, hoggaamiyeyaasheeda ayaana diiday qorshe lagu magacaabayo madaxweyne cusub kaddib markii la xiray musharraxii ugu dambeeyay.
Jordi Turull ayaa Jimcihii lala xiray shan hoggaamiye kale, taas oo sababtay dibad-baxyo iyo isku dhacyo dadweynaha iyo booliiska ku dhex maray Barcelona.









