Hargaysa(AN):-Dawlada somaliland ayaa ka hadashay saamaynta ka dhalan karta iscasilaada raysal wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn
Safiirka somaliland ee dalka Itoobiya Cali Xuseen Ismaaciil (Shoombe) ayaa sheegay inaanay wax dhibaato ah keenayn iscasilaadii raysal wasaarihii dalka Itoobiya, waxaanu xusay in xidhiidhadii wadamada jaarku ay sidoodii ahaanayaan.
Safiir Cali Shoombe ayaa hadalkiisa ku bilaabay ““Sida aad ogtihiin itoobiya waa dal guun ah oo kumanaan sanadood soo jiray, waana dal ku kala socda sharci iyo kala dambayn, markaa saamayn gaar ah oo ay ku yeelanayso shacabka dalka Itoobiya oo isbadal ahi ma jirto, hawluhu sidoodii ayey u soconayaan, xidhiidhadu
sidoodii ayey u jirayaan, raysal wasaaruhun markii uu la tashaday ragii madaxda la ahaa wadankana la maamulayey ayuu sameeyey, inaga wadankeena somaliland xidhiidh gaar ah ayeynu leenahay oo sokeeye oo nabadgalyo leh oo siyaasad leh oo dhaqaale leh oo dublamaasiyad leh, hawluhuna sidoodii ayey u soconayaan wax isbadal ah oo ay ku keenayso xidhiidhadi jaarka iyo gobolkaba uma arko inay dhacayso.”ayuu yidhi safiir Cali Shoombe oo u waramay Eryal.
Sidoo kale waxa uu xusay safiirku inaanay somaliland wax dhibaato ah ka soo gaadhayn is casilaadi raysal wasaarihii itoobiya “Somaliland wax dhibaato ah oo ii muuqda oo ay ku leedahay ma jirto,waa dal aynu jaar nahay oo uu sii wanaagsanaanayo xidhiidhkeenu, xidhiidhkuna maaha mid shakhsi ka dhaxeeya ee waa mid ka dhaxeeya labada dawladood iyo labada umadood.”









