Hargaysa (AN) Ugu yaraan Saddex qof ayaa ku dhintey laba kalena way dhaawacmeen ka dib markii laba gaadhi isku dhaceen Wadada Wadnaha ee Magaalada Hargaysa ,Gaar ahaan inta udhaxaysa Dahabshiil Gar-gaar ilaa Kaalinta .
“ gaadhi Nooca Looyaqaan Suzuki oo Xaware aad usareeya kusocda waxay isku dhaceen gaadhi Surf ah oo yaalay Xiligu Shilku dhacay agagaarka Kaalinta Cajab , isla markaana uu ku dhacay ka kale” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan ciidanka nabadgelyada wadooyinka oo aanu weydiinay sababta keentay shilkani gaadhi.
Allaha unaxariistee Saddexda marxum ee ku geeriyooday shilka ayaa saarnaa gaadhiga Suzuki.
Waxaana lageeyey Maydki Iyo dhaawaciiba Cisbitalka,Sidoo kale waxaa goobtii shilka soo gaadhay ciidamada Nabadgalyada Wadooyinka ,Iyo Kuwa Dabdamiska
Source Ardaamedia.com








