Hargeysa(AN)-Wararka ka imanaya Deegaamada ku yaalla Xuduudka Somaliland iyo Puntland, ayaa sheegay in dagaal saaka ku dhex maray Jiida Deegaanka Tuko-raq ee Gobolka Sool Ciidamada Somaliland iyo Kuwa Maamul-goboleedka Puntland.
Si rasmi ah looma oga Khasaaraha dhabta ee ka dhashay Dagaalkaasi, hase ahaatee dad goob-joogeyaal ayaa Gobanimonews u sheegay in khasaare dhimasho iyo Dhaawac isugu jiraa soo kala gaadheen labada Dhinac.
Ilo-wareedyo lagu Kalsoon yahay oo aanu ka helnay Jiida Dagaalku ka dhacay ayaa sheegaya in ugu yaraan shan Askari kaga dhinteen Dagaalkaas Ciidanka Puntland, dhinaca Somaliland waxa la sheegay in hal Askari kaga dhintay laba kalena ka dhaawacmeen.
Dagaalka oo saaka subaxnimadii hore bilaabmay, ayaa istaagay xilla qadihii Maanta,
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Somaliland oo ku sugan Jiida Dagaalku ka dhacay ayaa sheegay inay la wareegeen gacan ku haynta Tuulada Tuko-raq.
Kuwa Puntland-na ku sugan yihiin Deegaanka Fariiryaalle oo dhinaca Bari ka xiga Tuko-raq.
Geesta kalena Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri–barwaaqo) oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa Dawladda Soomaaliya iyo Maamul-goboleedka Puntland ku eeddeeyey inay faro-gelin siyaasaddeed iyo Xaalad abuur ka wadeen deegaamo ka tirsan Somaliland. Wasiirka ayaa sheegay inay in badan u dulqaadanayeen dhaqdhaqaaqyada Dawladda Soomaaliya ka wado dhulka Somaliland, balse wuxuu tilmaamay in dulqaadkii ka dhamaaday dhinacooda.
Ugu dambeyn Wasiir Guri Barwaaqo wuxuu cadeeyey inay Ciidamada Somaliland ku sugan yihiin Tuulada Tukoraq oo ku taala soohdinta u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland.
Halkan ka Daawo:









