Hargaysa(AN):-Waxa saaka si weyn loogu xusay magaalada hargiesa xuska dhalashada nabigeenii muxamed scw iyada oo taariikhda hijiryada ee islaamkuna ku beegnay 12 ka rabiicul awal 1439 oo ku astaysan xuska dhalashada nabiga SCW oo laga kala xuso meelo badan oo ka mid ah caalamul islaam.
Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay huteel maansoor ee magaalada hargeisa, waxaana munaasibadani kasoo qayb galay masuuliyiin sar sare, aqoonyahan iyo waliba culimada tima weynta loo yaqaano oo kaalin laxaadleh ka qaadatay xuska dhalashada nabiga n.n.k.h.









