Daawo Siyaasiyiin iyo Cuqaal ka digay gar eexo iyo Musuqmaasuq Doorasho

0

Hargaysa(AN):-Siyaasiyiin iyo Cuqaal ka soo jeeda Gobolka Togdheer, ayaa sheegay in Guddida Doorashada looga baahan yahay cadaalad iyo garsoor xaq ah inay ku saleeyaan tirinta codbixinta Doorashada.

Xubnahan oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Burco, ayaa dhinaca kale baaq u diray Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida.

Halkan ka Daawo:

Khilaaf Kooban oo ka dhashay cabasho Xisbiga WADDANI ka muujiyey tirinta Sanaaduuqda codbixinta qaarkood, ayaa abuuray xiisad iyo dood Bulshada dhexdeeda saameyn ku yeellatay.