War Deg Dega:Rabshado Ka Bilaamay Gobolka Togdheer Iyo Dhalinyaro Gadoodsan Oo Isugu Soo Baxay Qaar Kamida Fagaarayaasha Wadooyinka Burco

0

Burco(AN):-War Deg Dega:Rabshado Ka Bilaamay Gobolka Togdheer Iyo Dhalinyaro Gadoodsan Oo Isugu Soo Baxay Qaar Kamida Fagaarayaasha Wadooyinka Burco.

Magaalada Burco Ayaa Goor Dhoweyd Waxaa Ka Bilaamay Rabshado Ay Dhigayaan Dhalinyaro Kamida Taageerayaasha Xisbiga WADDANI,Dhalinyarada  Mudahaardka Ayaa Ka Gadooday Hadal Maanta Kasoo Baxay Masuuliyiinta Xisbiga WADDDANI Oo Rajo Xumo Ka Muujiyey Natiijada Komishanka Doorashooyinka

 

Ciidamada Policeka Somaliland Iyo Taageerayaasha Banaan Baxa Dhigaaya Ayaa Fooda Is Daray,Waxaanay Ciidamadu Rasaas Ku Kala Dirayaan Dadkaas Samaynaaya Banaan Baxa

 

 

Taageerayaashan Waxay Iskugu Soo Baxeen,Baraxada Weyn Ee Loo Yaqaano Siirooga Burco Oo Kamida Goobaha Ay Ku Badan Yihiin Taageerayaasha Xisbiga WADDANI,Dhalinyarada Gadoodsan Ayaa Ku Dhawaaqaya Hadalo Ay Ku Sifaynayaan Qaabka Ay Ugu Muuqato Doorashada Ka Qabsoontay Dalka