Hargeysa(AN)-Wasiir-u-dawlaha Macdanta iyo Tamarka Yuusuf Cismaan Garas oo ka qayb-galay munaasibad xisbiga Kulmiye ay Taageero ugu muujiyeen Beesha Ansaar ee degta gobolka Gabiley, ayaa hadal uu halkaa ka jeediyey dhaliil ugu jeediyey Siyaasiyiinta hormuudka u ah Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo uu sheegay inay indhaha ka qarsanaayan waxqabadka Xukuumadda Kulmiye ee ay shalay ku faanayeen markii ay Wasiirrada ahaayeen.
Wasiir Garas oo geesta kale, sharaxaad ka bixiyey barmaamujka Xisbiga Kulmiye uu dalka ku maamuli doono hadduu xukunka ku soo noqdo, ayaa tilmaamay inay Murrashaxiinta Kulmiye yihiin kuwo bisil oo barmaamuj iyo aragti shacbiga ka iibinaya, balse dhigooda WADDANI ay af-xumo iyo eed aan raad lahayn fagaareyaasha la taagan yihiin, isagoo ardaaga munaasibadaas taageeradooda ku muujiyeyna ka guddoomay, ugana mahad celiyey go’aankooda ay ku taageereen Xisbiga Kulmiye.
“Muuse iyo Cabdiraxmaan waxay wataan Barmaamuj qoran oo loo arko inuu qaranka dan u yahay, laakiin Xisbiga inala tartamaya ee WADDANI ilaa hadda lagama hayo Barmaamuj siyaasaddeed oo lagu doorto, todobaadkii u dambeeyey ayaa la magacaabayey Guddiyadii olollaha. Maalin walba aflagaado iyo cay ayey TV-yada la taagan yihiin”ayuu yidhi Garas.
“Ninkii shalay ku faanayey waxbaanu qabanay annagoo Kulmiye ah maanta ka yeelli mayno markuu WADDANI galay inuu yidhaahdo waxba lama qaban. Caqligayaga caayi maayaan, caqliga umaddana caayi maayaan ee wixii shalay markaad na dhex joogtay aad lahayd waa la qabtay, markaad ka baxday Xisbiga yaanay kula xumaan ayaan leeyahay”ayuu raaciyey hadalkiisa.
Wasiir-u-dawle Garas, ayaa ugu dambeyn sheegay “Xisbiga KULMIYE waxaynu ku dooranaynaa waxqabadkii todobadii sannadood iyo Barmaamuj-siyaasaddeedkaa cusub ee wixii hore lagu sii horumarinayo” ayuu ku waaniyey Taageerayaashii xafladaas ku muujiyey cududdooda ee ka soo jeeda Beesha Ansaar oo uu dhanka kale dhambaal uu ka siday Murrashaxa Xisbiga uga gudbiyey halkaas, isagoo yidhi “Murrashax Muuse Biixi Cabdi markii loo sheegay wuxuu igu yidhi aadbaan uga xumahay inaan ka maqnaado xafladaas, balse salaan iyo hambalyo iga gaadhsiibuu igu yidhi oo aan idiinka sidaa Guddoomiyaha ahna Murrashaxa”.









