Hargaysa(AN):-Sheekh Saleebaan Siciid Cali Agaasimihii hore ee Diinta iyo aw qaafta Soomaliland oo mudooyinkii udanbeeyey umuuqday siyaasi hawlgaba tan iyo intii Kaydkii haamaha Shidaalka ee uu Mareeyaha ka ahaa Xukuumada Somaliland ku wareejisay Ganacsato.
Agaasimihii hore ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa taariikhdu markay ahayd 2017 Madaxweyne Siilaanyo umagacaabay wasaaradaasi, oo lo odhankaro Wasaarada loo igmaday ay ahayd mid aan ku cusboonayn sheekha oo hore u ahaa Isuduwe uga ahaa Gobolka Saaxil wallow uu markii danbe udalacay sheekhu Maareeyaha Kaydka Haamaha Shidaalka ee Berbera.
Sheekh Saleebaan ayaa wakhtigii isuduwaha wasaarada diinta iyo aw qaafta Gobolka Saaxil hadaynu dib uyara jaleecno ahaa xubin firfircoon oo ka dhex muuqata dhamaan isuduwayaasha wasaaradaasi ay ku lahayd dalka ,waxa sidoo kale laga xasuustaa Sheekha marka laga yimaado ta wasaarada diinta iyo awqaafta uu ahaa Xubin markasta tageero iyo abaabul jibaysan u ahayd Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumada uu gadhwadeenka kayahay Madaxweyne Siilaanyo,
Taas oo dadaalo badan oo ismuujin ah uu kasamayn jiray fagaarayaasha kuwaasoo ubadnaa indhosarcaad salka ku haya kasbasho siyaasadaysan oo laba shaadh oo kala muuqaal fog kusidkanaayeen,
Sheekha oo firfircoonaanta uu muujiyey dhaxal siisay hanashada kursiga Maareeyaha Haamaha Shidaalka ee Berbera , waxaana mudadii uu hayey sheekh Saleebaan Siciid Cali Xilka Maareeyaha uu macasalaameeyey Wadaadnimadii uu bulshada reer Saaxil ku kasbaday isagoo taa badalkeegana isku arkay Siyaasi qaangaadha oo matali kara afkaarta Gobolka uu ka soo jeedo oo dhan,
Sheekh Saleebaan Siciid Cali oo xiligaa umuuqday Siyaasi hadal hayntiisu laga dhex dareemay guud ahaanba gayiga Somaliland saaxiib dhowna la noqday warbaahinta markastana kasoo dhex muuqday haday tahay waxqabatka uu shaqada uu qaranka uhayo iyo ta uu wajiga kaga raadsanayo Xukuumada uu ka tirsanaa amba ku difaacayo waxyaabaha ka baxsan shaqadiisa,kaas oo umuuqday afhayeenka Gobolka Saaxil iyo diranaha danaha siyaasadeed ee ku xeeranba Gobolkaasi.
Siyaasigan Sheekh Saleebaan ee soo cimridadajiyey maalmihii wacnaa ee ay soowada shaqeeyen Madaxwaynaha Qaranka ,ayaa Xiligaa isku fuudhiyey humaag aan haybtiisa iyo hanashadiisu ay ubaahnayd soo jeedka habeeno iyo maalmo badan
Waxaanu Sheekhu xiligaas ku hungoobay hanashada kursigii xiligaa ugu mudnaa Magaalada Berbera iyo Gobolka Saaxil kaas oo ahaa maamulka Marsada Berbera
Sheekh Saleebaan ayaa xili kale isku muujiyey. xaflad indhasarcaad oo danaha iyo damaca kamuuqdaa uu fogyahay taas oo uu kusoo bandhigay laabka tayada Shidaalka ,Madashaasi uu soo qaban qaabiyey oo dadkii ka agdhawaa sheekha iyo dadkii la socday dhaqdhaqaaqa aan kala joogsi lahayn ay u arkayeen Sheekhu mid udalacaya Salaanka silsalada looga arimiyo dalka oo noqonaysa Jago wasiirnimo
Sheekha oo aan marnaba soo dhigan salaankaa maalmaha kooban aad isdulsaaratay ayaa dhayal ujabi ayaa waxa marqudha dhulgariir ku noqday markii xukuumadu ku wareejisay Ganacsato loo arkay in ay udhaami doonaan sheekhii jeclaa durmaanada iskood isku tuma.
Sheekha oo aan wax balnqaad dhanka shaqada aanu jirin ayaa kazoo huleelay shaqadii uu uhaystay mid uu ka dalacideedii maalmo koobani ka hadhsan tahay,
Nasiib wanaag Sheekh saleebaan ayaa fursad ka helay markii xubnihii afgambiga kuwaday xukuumada ee uu hogaaminayey Xirsi markii ay ka fagaareeyen xililkii ay hayeen
Taas oo keentay sheekha in lagu soo xasuusto waxqabadkii isuduwaha ee wasaarada diinta iyo aw qaafta taas oo loo magacaabay Agaasimaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta
Taariikhdaasi lamagacaabay iyo maanta oo is casiley wax udhaxeeyey may jirin oo sheekhu baafin aan latabin ayuu dalka ku joogay
Arabsiyonews.com
Hargaysa Office









