Warsaxafadeed:Madaxweyne Siilaanyo oo digreeto ku Magacaabay Masuul Cusub

0

Hargaysa(AN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-5160/102017 uu ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                    Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Guddoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:        In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:       Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Ismaaciil Cabdi Xasan (Fara-dheere), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

 

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL