Hargaysa(AM):-Heshiis sadex geesood ah oo dhexmaray Komishanka Doorashooyinka Qaranka ,Wasaarada Warfaafinta Iyo Ururada Saxaafada Somaliland ee Solja iyo Wija ayaa manta(Shalay) Si rasmi ah ukala saxeexday heshiiska xeerka Anshaxa Doorashada Madaxtooyada Somaliland.
Kulankan ayaa ka qabsoomay xarunta Komishanka Doorashooyinka ,waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac(Xuuto) iyo Gudoomiyaha ururka hablaha Saxafiyiinta ee WIJA ,Masuuliyiin ka socotay Asxaabta Qaranka iyo sidoo kale qaar kamid ah daneeyayaasha caalamiga ah ee arimaha Saxaafada









