Xog Xasaasiya:Dabashiil iyo Laba Shirkadood oo kale oo Berbera ka hirgelinaya wershad Sibidh

0

Hargeisa, October 12, 2017 (Arabsiyo News) Shirkad cusub oo ay wada jir u aasaaseen shirkadaha Dahabshiil Group, Berbera Group iyo Kuwaiti KIPCO ayaa ku hawlan hirgelinta wershad sibidhka soo saarta oo laga hirgeliyo magaalada Berbera.
Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn waqtiga dhab ahaan shirkaddani la aasaasay iyo saamiyadda la kala leeyahay midna, haddana sida ku cad warqad rasmi ah oo shirkaddan cusub oo magaceeda la yidhaahdo Red Sea Cement ay ku baahinayso qandaraas la xidhiidh in daraasaad dhinaca khayraadka dhulka ah (Geological survey) oo lagu baahiyey website-ka Somalijobs.net, http://somalijobs.net/jobs/request-for-proposals-rfp-geological-prospecting-for-pozzolana/ shirkadani waxa ay dhawaan bilaabi doontaa hirgelinta wershad sibidh oo laga hirgeliyo magaalada Berbera.
Waxay shirkaddu qoraalkeeda ku tidhi. “Iyadda oo ay la xidhiidho u diyaar garawga hirgelinta wershad sibidh oo laga sameeyo Berbera waxa ay shirkadu doonaysaa cid daraasad (geological survey) ugu samaysa noocyo macdaneed oo ay ka mid yihiin Pozzolana iyo macdano kale oo muhiim u ah sibidhka”.
Shirkadaha Berbera Group iyo Dahabshiil Group waxay hore khilaaf ugu dhexmaray hirgelinta mashruuca sibidhka ee Berbera waxaanay markii dambe sheekadu u egaatay mid leh weji qabyaaladeed. Taasina waxay keentay in shirkadda Dahabshiil Group ay iska joojiso qorshahaasi ay doonaysay inay wershad sibidh kaga samayso Berbera. Iyada oo shirkadda Berbera Group ay ku doodaysay in la kiciyo wershadii hore ee Sibidhka ee laga dhaxlay dawladdii Maxamed SIyaad Barre oo muddo shan iyo labaatan sannadood ah fadhiday.
Ma cadda in xukuumadda Somaliland oo ah dhaxlaha wershadaasi hore, isla markaana ka wakiil ah shacbiga Somaliland ay saami ku leedahay wershadani laga dhisayo Berbera ee sibidhka soo saari doonta iyo inkale. Sidoo kalena ma cadda in wershad cusub la abuurayo iyo in wershadii hore la kicinayo.

 

Arabsiyonews.com