Arabsiyo(AN):-War degdega Arabsiyo Dooxa huluuq oo qaaday Baabbur kaas oo sababay Khasaare dhimasho
Dooxa huluuq oo dhanka bari kaga beegan magaalada Arabsiyo ayaa qaaday Gaadhi nooca rakaabka ah ee loo yaqaan (Mark II ) kaas oo sababay khasaaraha dhimasho oo hal qof ah
Halka qof ee uu galaaftay biyaha doox ayaa ahaa dirawalkii gaadhiga waday Marxuum Maxamuud Aadan Yuusuf (ina dgawayne) sida ay u xaqiijiyeen
Shabakkada Arabsiyonws dadkii rakaabka ahaa ee ka badbaaday.
Dadkii ka badbaaday biyaha dooxa huluuq oo ay soo gaadhen dhawacyo fudud ayaa lasoo gaadhsiiyey rugta cafimaadka Arabsiyo
Gaadhiga ku gadoomay dooxa Huluuq ayaa ka yimid dhanka Hargaysa isagoo usoo jeeday Arabsiyo
Waxii war ah ee soo kordha halkan kala soco
Arabsiyonews@gmail.com
Arabsiyonews.com
Arabsiyo/office








