Muuqaal xambaarsan Dhambaal Taageero oo uu kala kulmay Muuse Biixi Degmooyinka Galbeedka Sanaag + sawirro
Gar-adag (AN)-Murrashaxa Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo, ayaa booqasho ku soo maray Degmooyinka Ceel Af-weyn iyo Gar-adag ee Gobolka Sanaag, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey.
Weftiga oo gelinkii hore soo maray Degmada Ceel Af-weyn, ayaa Shacab-weynaha ku dhaqan degmada Garadag ee gobolka Sanaag, markii ay soo gaadhiin si ballaadhan u soo dhaweeyeen weftiga oo muddooyinkii ugu dambeeyey hawlo shaqo ku marayey gobolka Sanaag.
Kumanaan ka tirsan shacabka degmada degmada Garadag oo ay hormood u yihiin maamulka degmada ee xisbiga iyo xukuumadda. Xildhibaanno, salaadiin iyo cuqaal, isla markaana lulaya caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE, ayaa guddoomiyaha iyo weftigiisa kaga horyimi goob ka baxsan magaalada subaxii hore ee saaka, waxana weftiga loo galbiyey geedka caanka ah ee Garadag oo si farshaxanimo leh loogu nashqadeeyey astaanka xisbiga KULMIYE.
Hormoodka, waxgaradka, salaadiinta, siyaasiyiinta iyo haldoorka bulshada degmada Garadag, ayaa shacabkii sida weyn usoo dhaweeyey guddoomiyaha iyo weftigiisa halkaas uga jeediyey hadallo ay ku muujinayaan sida shacabka degmadu u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa, waxana ay ku dheeraadeen xidhiidhka ma guuraanka ah ee xisbiga KULMIYE la leeyahay shacabka deegaanka.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo bulshada degmada Garadag khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey, ayaa uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran iyo kalgacaylka lagu qaabilay, waxana uu ku bogaadiyey taageerada luxdan ee ay xisbiga u muujiyeen.
Ceel Af-weyn
Dhinaca kale, Shacabweynaha ku dhaqan degmada Ceel Af-weyn ee gobolka Sanaag, ayaa soo dhaweyn aan loo kala hadhin ku qaabilay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo maanta halkaas oo maray.

Guddoomiyaha KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, salaadiin iyo xubno kale, ayaa waxa goob ka baxsan magaalada kaga hor tegay kumanaan kamid shacabka degmada Ceel Af-weyn oo u hoggaaminayo boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow, cuqaal iyo salaadiin uu hormood u yahay suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale, waxana weftiga loo gelbiyey madal loo asteeyey in shacabka lagala hadlo.
Siyaasiyiinta, xildhibaannada, cuqaasha, boqorrada, aqoonyahanka iyo haldoorka degmada Ceel Af-weyn oo madasha ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey murrashaxa KULMIYE iyo weftiga uu hoggaaminayo, waxana ay si xeeldheer u ammaaneen waxqabadka xukuumadda KULMIYE halkaas ka fulisay, iyaga oo ku ballan qaaday inay si ballaadhan ugu codayn doonaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow iyo Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo halkaas ka hadlay, ayaa guddoomiyaha iyo weftigiisa ku bogaadiyey safarkooda, waxana ay sheegeen inay shacabka degmada Ceel Af-weyn diyaar u yihiin inay xisbiga KULMIYE u codeeyeen.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka degmada Ceel Af-weyn ku bogaadiyey soo dhaweynta ballaadhan ee ay u muujiyeen weftiga iyo weliba taageerada ay xisbiga u muujiyeen.
Arabsiyonews.com
Burco/Office









