Daawo Gudoomiyaha Degmadda Agabar oo baaq deg deg ah hawada u mariyayey masuuliyiinta gobolka gabiley iyo xukuumada somaliland

0

Hargeysa (AN) Gudoomiyaha Degmada AGABAR Ahmed Aadan Cumar Geelle ayaa masuuliyiinta gobolka gabiley iyo xukuumada jamhuuriyada somaliland ugu baaqay in dadka beeralayda ah ee ku dhaqan degmada agabar ay ku sugan yihiin xaallad adag isla markaana kaalmo lala soo gaadho dadkaasi.

waxa uu sidoo kale Gudoomiyuhu ugu baaqay in dadka samafalka jecel ay kasoo qayb qaataan in taakulaynta dadka beeralayda ah ee Degmadda AGABAR dadkaasi imika ku sugan xaalad aad iyo aad u adag.

Halkan ka daawo gudoomiyaha Degmada AGABAR oo qaar ka mid ah beeralayda degmada AGABAR kormeer ku soo maray.