Musharax Cirro oo ka muquurtay Doodii sadexda Musharax iyo Gudoomiyayaasha Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid oo goobta iska xaadiriyey

0

Hargeysa (AN)- Dood siyaasadeed loo qabtay murrashaxiinta Madaxweyneyaasha saddexda xisbi qaran ee Somaliland ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa hadda ka socota huteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa.
Doodda oo ay soo qabanqaabiyeen Guddi ka socota Madasha Wadatashiga Somaliland, waxa ka soo xaadiray labada murrashax Madaxweyne ee xisbiyada KULMIYE iyo UCID – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Faysal Cali-waraabe, balse waxa madasha ka maqan oo diiday inuu ka qaybgalo dooda murrashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), lama garanayo sababta murrashaxa xisbiga WADDANI uga muquurtay dooddan oo ay ka qaybgalayaan boqolaal ardayda jaamacadaha iyo aqoonyahanka.
Haseyeeshee, Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo xidhiidhinaya doodda waxa uu sheegay in xisbiga WADDANI uu ka cudur-daartay ka qaybgalka dooddan.