Madaxwayne Siilaanyo oo digreeto ku magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Somaliland iyo Soomaaliya.

0

Hargaysa(AN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4921/072017 uu maanta ku magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya.

MADAXWEYNUHU:

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ku Qancay:            Mudnaanta uu Qaranka u leeyahay Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya;
Markuu Arkay:                     Ahmiyadda ay leedahay in Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysaa taban-taabiso wada-hadalka u dhexeeya labada dal;
Markuu Tixgeliyey:             Baahida loo qabo mas’uul aqoon u leh xidhiidhka Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysa
Markuu Arkay:                     Qoraalka soo jeedinta ah ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah;
Markuu Ku Qancay:            In ay leedahay waaya-aragnimada, aqoonta iyo kartida looga baahan yahay mas’uulka xilkan gudan kara;

Wuxuu go’aansaday

In Marwo, Adna Aadan Ismaaciil, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya, waxaanay la shaqayn doontaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

ALLAA MAHAD LEH

 

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxtooyada JSL.