Arabsiyo { ARABSIYO NEWS}– Waxa Caawa Xaflad Balaadhan oo Casho Sharaf ahayd loogu Qabtay Magaalada Arabsiyo Labadii Kooxood ee isku soo Hadhay Finalka Wareegii Ramadanta Lagu Qabtay Degmada Arabsiyo, Waxaana Ka Soo Qayb galay Agaasimaha Boosaha iyo isgaadhsiista MR Faysal Cali Sheekh, Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye ee Gobolka Gabiley Mr. Shirwac, Axmed Ali Dable Agaasimihii hore ee wasaarada biyaha Somaliland, Maxamuud Axmed dhagaxtuur Xisaabiyihii hore ee Qaranka iyo Masuuliyiin kale Waxa kale oo Xafladaasi ka soo qayb galay Maamulka Dawlada Hoose ee Degmada Arabsiyo, Sidoo Kale waxa Goobtaasi aan ka maqnayn Qurbo Joogta Degmada Arabsiyo, iyo ururka Haween waynaha Magaalada.
Ugu Dhambayntii iyaga oo Dhiiri Galin u sameeyey Kooxdii Qaaday Koobkaas oo Lagu Magacaabo Biyo Macaan
Abdilahi Ahmed Aw-Muuse
Arabsiyo News










