Dubai (Arabsiyonews ):-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo ku sugan imaaraadka Carabta ayaa salaadii ciidal fidriga ka dib Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan imaaraadka ku qaabiley Hotel ka uu ka degan tahay Abu-Dubai Madaxweynubu.
Sidoo kale waxa isna qayb ka ahaa kulankaasi safiirka imaaraadka carabta u qaabilsan Somailand, md Baashe Cawil Cumar oo isagu ku suntan horumarka balaadhan ee ay somaliland ka samaysay waddamada carabta sida imaaraadka.
Madaxweynaha oo maalmihii u danbeeyey ramadaan ku sugnaa Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxda sarsare ee Imaaraadka Carabta, iyadoo la filayo inay ka wada hadlaan arrimaha mandaqada ka taagan wakhtigan oo ay Somaliland hore u cadaysay mawqifkeeda.
Madaxweynaha waxa ku wehelinayay kulankan wasiirka xanaanadaxoolaha, safiirka UAE ee Somaliland, la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha saxaafadda, Safiirka Imaaraadka iyo Safiir Ku xigeenka UAE iyo saraakiil kala duwan oo ka mid ah Madaxtooyada JSL.




















