Arbaca(Muqdisho):-Qarax weyn ayaa goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho, kaa soo siweyn looga wada maqlay xaafaddaha magaalada oo idil.
Warar hor dhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay maqaayad lagu magacaabo Pizza House oo siweyn ugu dhaw Posh hotel oo ku yaala Isgoyska Banaadir.
Labadan maqaayadood ayaa siweyn isugu dhaw waxaana wali soo baxaya warar kala duwan oo weerarkan ku saabsan, sidoo kale waxaa jira warar is khilaafsan oo ka soo baxaya halka weerarka lala damacsanaa madaama labadan maqaayadood yihiin kuwo aad isugu dhaw.
Goobta la weeraray ayaa xiliyada habeenkii waxaa ku kulmi jiray oo halkaa ku caweeya dhalinyaro wiilal iyo gabdho leh.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa kaddib la maqlay rasaas loo maleynayo in ay dabley gudaha u galeen maqaaxida.
dhinaca kale Afhayeenka howlgalada Al-shabaab Cabdcasiis Abuu-muscab ayaa sheegay in dagaalamayaal ka tirsan ururka weerar ku qaadeen caawa sida uu hadalka u dhigay Posh Hotel, isaga oo intaa ku darray in wali halkaa howlgalku ka socdo.
Qaraxan iyo weerarkan wada socda ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee ka dhaca caasimada bishan Ramadaan.









