Naadiga ArabsiyoNews oo tartanka bisha Ramadaanta ku bilaabay Guul iyo dhoolatuskii layaabka lahaa ee ay ku qaabileen Ciyaartii maanta

0

Arabsiyo(AN)Ciyaar aad uuxiiso badan oo ka tirsanayd ciyaaraha wareega Tartanka bisha barakaysan ee Ramadaan,ayaa galabta waxaa garoonka Kubbada cagta Deg Arabsiyo ku dhexmartay ciyaar aad uxiiso badan koox ku ciyaaraysay Magaca Shabakada ArabsiyoNews iyo Koox ku ciyaaraysay Laanta Hawada.

Ciyaartan oo bilaabmatay 4 galabni ayaa waxay ahayd mid wadata dardarteeda ,waxaana xusid mudan Ciyartan oo kamid ahayd is araga kooxha heerka 1aad ee tartanka Ramadaanda,waxaana garoonka soo buux dhaafiyey tageerayaal aad utiro badan oo aad uxamaasadaysan kalana tageerayey labada kooxood .

Ciyaartan labada kooxood oo 90daqiiqo ku soo idlaatay natiijo 1gool iyo 1gool awaxaana labada Kooxoodba loo dhigay Rigoore (Penalty) waxaan koox kasta ulaagay 5 ciyaartoy,taas oo natiijada ciyaarta guushu ku raacday Kooxda ku ciyaaraysay Shabakada ARABSIYONEWS.COM halkaasoo gool kulaadkii udanbeeyey uhibeeyey kooxdiisa Ciyaartoyga Magaciisa layidhaa C/risaaq Shabcaan Axmed

Kooxda Shabakada ARABSIYONEWS.COM ayaa ugudtay wareega 8 dhamaadka ee tartanka bisha barakaysan ee Ramadaanta

Arabsiyonews.com

Arabsiyonews@gmail.com

C/laahi Axmed Awmuuse

Arabsiyo Office