War Deg Deg Ah:- Cali Khaliif Oo Gabiley Ka Hilaacay + Midnimo Uu Ku Dhawaaqay Iyo Dhul Galbeedka Laga Siinayo Oo Uu Shaaciyey “Isma Lahayn Reer Galbeedku….”War Iminka Ah
Cali Khaliif Galaydh hogaamiyaha Kooxda Khaatumo ayaa maanta si wayn loogu soo dhaweeyey Magaalada Gabiley oo uu safar ku marayey isaga oo uu wehelinayo Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe.
Cali Khaliif Galaydh oo madashii soo dhawaynta ka hadlay waxa uu ka jeediyey hadalo siyaasad iyo kaftan iskugu jira waxaana uu ku bilaabay arin uu ku sheegayo in Madaxweyne Siilaanyo ay isku da yihiin waxaana uu yidhi. ” Aniga iyo Axmed Siilaanyana isku da ayaanu nahay hadii Cumar nagu soo biirayana waa ILLAAHAY mahadii aad iyo aad ayaad u mahad san tihiin sida aad noo soo dhawayseen anagu waxaaban islahayn geedkan qudhaca ah kumaanu talo galin meeshii ay joogaana ku sii salaama tan qaabilaada wanaagsan iyo soo dhawayntana maanu filayn Reer Gabiley aad iyo aad ayaan idinku mahadinaynaa”
Cali Khaliif mar kale isaga oo kaftamaya waxa uu sheegay in Reer Galbeedku mudadii uu Hargeysa. Borama. Iyo Gabiley joogay ay ku war galiyaan in ay dhul siinayaan balse gabadhii aan la raacin waxaana uu yidhi. “ilaa xalayna si yaab leh ayaa naloo soo dhawaynayaayoo Reer galbeedka waxaaban moodayey dhulka halkana ma balaadhna laakiin dad leh dhulna waan ku siinaynaa hada Gabdhana waa la bixiyaa war fiican baaba jiree dee safari deg deg ah kumaano tali-galinee dee ha nagu yaabina”
Ugu danbayn Cali Khaliif waxa Bulshada Somaliland u soo jeediyey in nabad lagu wada noolaado isla markaana gobolada uu hogaamiyaha ka yahayna laga qayb galiyo nidaamka dawladeed ee dalka ka jira waxaana uu yidhi. “ILLAAHAY wixii uu ina farayna in aynu yeelno oo nabad ku wada noolaano oo waxaa inaga dhaxeeyana dee cidina aanay xeedhada meel u jiidanee fandhaaladana aynu dhinacyada ka galino” Ayuu yidhi Cali Kaliif Galaydh oo si wayn gabiley loogu soo dhaweeyey.
Arabsiyonews.com
Abdillaahi Ahmed Awmuuse








