“Galbeedku Waa In Uu Cadka Dhulka Dhigaa Cali Khaliifna Ku Ducaysta In….” Murashax Faysal Cali Waraabe Oo Bushaaro Ka Dhigay Kooxda Khaatumo Iyo Cali Khaliif Oo….Halkan Ka Eeg Xaasaasi
Gudoomiyaha ahna Murashaxa Madaxweynaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xalada dhimasho ee shuban biyoodka isaga oo ILLAAHAY ka baryey in uu xanuunkaasi umadiisa ka dulqaado.
Sidoo kale Faysal Cali Waraabe waxa uu ka hadlay Socdaalka Cali Khaliif iyo 59-sano ka hor mar uu Borama ku noolaa waxaana uu yidhi. “Illaahay aan barino oo cudurkaa shubanka ha inaga joojiyo aadna aynu u gurmano oo gurmadkii abaarta oo kale aynu samayno maanta ILLAAHAY mahadii weeye in Cali-na halkan aan keeno ku soo beegmo xili Barwaaqo ah Camuud ayuu tagay oo 59 sano horteed halkaasi uu ka galay SCHOOl markaa taasi waxay ku tusaysaa in aynu qoys nahay wixii saluug ah ee jirana waxa aynu ku dhamaysanaynaa nabad”
Faysal Cali Waraabe waxa uu gobolada galbeedka ugu baaqay in ay ka tanaasulaan kuraasta badan iyo dawladnimada iyaga u af duuban si gobolada barigana fursad loo siiyo waxaana uu yidhi. “Galbeedkeena farta ayaa lagu soo fiiqayaa dee inaguna waa in aynu cadka dhulka dhignaayoo wax loo wada siman yahay oo aynu raali ku wada nahay in aynu samaysano ayaa loo baahan yahay wixii nagu qabyo ah waanu dhamaynaynaa ee ku ducaysta” Ayuu yidhi Mudane Faysal Cali Waraabe.
Arabsiyonews.com
Abdillaahi Ahmed Awmuuse








