Degmo Madaxweyne Siilanyo Magacaabay 2014kii Oo Deeqdii Ugu Horaysay La Gaadhsiiyay -Yaa Ugurmaday Xagayse Ku Taala [TOP NEWS]

0

Badhtamihii Sanadii 2014 kii Ayay Ahayd Markii Madaxweynaha S/land U Umagacaabay Degmada Gudmo Biyo Cas Inay Ka Mid Noqotay Degmooyinka Dalka

Waxaana Wakhtigaasi Bilaabmay Yididiilo Iyo Rayn Rayn Ay Bulshada Ku Dhaqan Degmada Gudmo Biyo Cas Ku Qaabileen Magaacibada Degmadaa

Balse Mudo Badan Gudmo Biyacas Ma Helin Baahiyihii Aasaasiga Ahaa Ee Degmonimo Iyo Waaxihii Maamul Ee Dawlada

Degmada Gudmo Biya Cas Waxay Noqotay Mid Ay Saamayn Ku Yeesheen Aarsi Iyo Ciil Siyaasadeed Oo Ka Yimi Wasiiro Xukuumada Siilanyo Ka Tirsan Oo Ku Abtirsada Magaca Guud Ee Dadka Degaankaa Kasoo Jeeda

Mudo Laga Joogo Ku Dhawaad 3 Sano Oo Aanay Helin Kaabayaal Dhaqaale Iyo Baahiyaha Aasasiga Ah Kuwooda Uhoreeya

Ganacsadaha Shirkada Beeyada Barkhad Jibriil Xasan Ayaa Deeqdii Ugu Horeysao Oo Ah Gaadiida Kala Ah Umblance Iyo Gaadhi Boolis Ugu Deeqay Maamulka Degmada

Waana Talaabadii Ugu Horeysay Ee La Gaadhsiiyo Degmadan Ee Loogu Deeqo Maamulka Haysta

Arabsiyonews.com
Abdillaahi Ahmed Awmuuse