Arabsiyo(AN) :- Koobkii Dhiirigalinta dhalinyarada ee xisbiga kulmiye ayaa manta soo gabagabeeyey Maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Arabsiyo,Kaas oo loo qabtay dhalinyarada dagmada arabsiyo waxaana iskugu soo hadhay oo ciyaarta kama danbaysta koobka kala qaaday labadii kooxood ee Horseed iyo Horyaal.
.waxaana xaflada xidhitaanka tartanka ka soo qayb galay madaxbadan oo kazoo jeeda gobolkan oo ay ka midyihiin xoghayaha dawlada hoose ee gabiley cabdiraxmaan nuur abokor,agaasimaha Boosaha iyo Isgaadhsiinta faysal cali sheikh gudoomiye shirwac iyo maayarka magaalada arabsiyo cabdilaahi cabdi faarax iyo haween waynaha degmada arabsiyo oo kazoo qayb galay ahna heer gobol iyo heer degmo nimco maxamuud daa,uud,sahra cabdillahi sheedaal,deeqa carab nimco cabdi badmaax.
waxa iyagana halkaa ku xusnaa gudoomiyaha dhalinyarada degmada mahad yuusuf obsiiye iyo gudoomiyaha sportska cumar cabdi cumar oo xafladaa iyo wareegaa si fiican uga shaqeeyey .
guntii iyo gabagabadii waxaa halkaa laga jeediyey qudbado wax ku ool uah dhalinyarada degmada arabsiyo.
waanooyin iyo hogo tusaalayn,iyo iyagoo laga wacyi galiyey tahriibta aafaysay dhalinyarada wadanka.











Arabsiyonews.com
Abdillaahi ahmed awmuuse









