[Gudaha Eeg] Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Laascaanood Ku Sugan + Xaaladii Colaadda Laba Beelood Oo Kulan Laga Yeeshay Warbaahintu Dibada Ka Tahay + Maxaa Laysku Af-Gartay.

0
Hargaysa (Arabsiyonews.com) Wasiirka arimaha gudaha somaliland iyo xubno wefti ah oo uu hogaaminaayo ayaa gaadhay magaaladda laascaanood kuwaasi oo u tegay dirirta labadii beelood ee walaalaha ahaa wuxuuna wasiirku sheegay inay kulamo la qaateen labadii beelood ee dirirtu dhex martay

 

Wasiirka arimaha gudaha oo socdaalkiisa ay ku weheliyaan wasiirka gaashandhiga somaliland wasiiru dawlaha madaxtooyadda iyo cuqaasha gobolka sool ayaa waxa ay u gunti xidheen sidii colaada labada beelood u soo af jarmi lahaayeen

 

Xubnaha kala duwan ee kulanka yeeshay ee wasiirka arimaha gudaha hogaaminaayo ayaa waxa ay sheegeen in wax badan oo nabada ah ay ka shaqayn doonaan dadka ka soo kala jeeda labada beelood ee colaadu dhex martay isla markaana maalmaha soo socda shir ay isugu iman doonaan beelaha kaasi oo dib u heshiisiin iyo maslaxad laga dhex dhalinaayo beelaha walaalaha ah
Arabsiyonews.com
Abdillaahi Ahmed Awmuuse